Mareykanka oo faah faahiyay duqeymo uu ka fuliyay Gobolka Sh/Hoose

Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM waxay sheegeen inay 2 Duqeyn dhanka cirka ku qaadeen Al-Shabaab 48-kii saacadood ee la soo dhaafay.

Hadal-qoraal oo uu AFRICOM soo saaray  ayuu ku sheegay iyagoo taageero siinaya Ciiddanka DFS inay  bishan 3-dii qaadeen Duqeyn ay la beegsadeen fariisin ay Al-Shabaab ku leeyihiin Degaanka Gendershe ee Gobalka Sh/hoose, waa sida ay hadalka u dhigeen.

AFRICOM waxay kaloo sheegeen inay bishan Feberaayo 5-dii ay duqeyn kale ka geysteen meel ku dhow Deegaanka Leego ee Gobalka Sh/hoose.

Hadalka qoraalka ee AFRICOM waxay ku sheegeen inaysan dad rayid ah khasaaro ka soo gaarin Duqeymahaasi waa sida ay hadalka u dhigeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media