Mareykanka oo faah faahin ka bixiyey Duqeyn uu ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICO ayaa sheegay inay 12 ka tirsan Al-shabaab ku dileen weerar dhinaca cirka ay oo ay Jimcihii ka fuliyeen deegaanno ka tirsan degmada Hobyo, sida lagu sheegay War-saxaafdeed kasoo baxay taliska.

AFRICOM ayaa sheegtay in weerarkan uu ka dambeeyay codsi uga yimid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, uuna ahaa mid ‘is-difaac ah; oo ay si wadajir ah u fuliyeen iyaga oo taageeraya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee wada howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Taliska ayaa sheegay inaysan jirin dad rayid ah oo ku dhintay ama ku dhaawacmay duqeyntan oo ka dhacday deegaan fog oo qiyaastii 45 KM dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan Hobyo.

“Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu taageero siiya dowladda Soomaaliya si ay wax uga qabato khataraha waxa loogu yeero argagixisada, waxaan kaliya qeyb ka nahay dadaalka Mareykanka,” ayuu yiri taliyaha AFRICOM Gen. Michael Langley.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICO ayaa diyaaradooda aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ah waxaa ayaa marar badan duqeymo ka fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka, kuna dilay saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsanaa Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor