Mareykanka oo Ergey Cusub u soo magacaabay Geeska Africa

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka ee Geeska Africa Mike Hammer, kaas oo bedeli doonaan Ergaygii hore David Satterfield oo is-casilay bishii April.

“Waxaan ku dhawaaqayaa in Danjire Mike Hammer uu bedeli doono Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika. Waxaan uga mahadcelinayaa Danjire Satterfield waayo-aragnimada iyo go’aan qaadashada uu u keenay xilka, waxaanan rajaynayaa dadaalka iyo aragtida uu danjire Hammer hadda ku bixin doono dadaallada Geeska Afrika” ayuu yiri Blinken.

Waxa uu Blinken sheegay in magacaabista danjire Hammer ay hoosta ka xariiqday sida ay Mareykanka uga go’an tahay dadaallada diblumaasiyadeed ee gobolka, wuxuuna sheegay in Mareykanku sida ugu dhakhsaha badan u taageerayo geeddi-socod siyaasadeed oo loo dhan yahay oo ku wajahan nabadda, amniga guud, iyo barwaaqada dhammaan dadka Itoobiya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor