Mareykanka oo dowladda Kenya ku wareejiyay diyaarado

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaarado dhowr ah oo nooca dagaalka ku wareejiyay dowladda Kenya, kadib Munaasabad ka dhacday Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya.

Tiradda diyaaradaha Mareykanka uu ku wareejiyay Kenya ayaa waxaa lagu sheegay inay gaarayaan ilaa iyo lix diyaaradood ah nooca MD-530F, waxaana Kenya u adeegsan doontaa dagaalka ka dhan ah Al-shabaab.

Goobta ay ka dhacday Munaasabada wareejinta diyaaradaha ayaa waxaa ku sugnaa Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Kenya iyo Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afrika Stephen Townsend.

Taliye Stephen Townsendn oo halkaas khudbad kooban ka jeediyay ayaa waxaa uu sheegay in lixda diyaaradood ee lagu wareejiyay Kenya ay qeyb ka yihiin iskaashiga  dhanka amaanka ah eek a dhexeeya Kenya iyo Mareykanka.

Dhinaca kale Saraakiisha Ciidanka dowladda Kenya ayaa u mahadceliyay Mareykanaka, iyagoona sheegay in tallaabada uu Mareykanka qaaday ay tahay mid muhiim u ah.

Si kastaba Mareykanka ayaa Kenya ka caawinaya dagaalka ka dhan ah Al-shabaab, iyadoona ay xusid mudan tahay  in bishaan Janaayo Al-shabaab  ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhig Ciidanka Badda ee Mareykanka iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Mand Bay eek u yaalla Gobolka xeebta ah ee Lamu ee Kenya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media