Mareykanka oo Dalab Deg-deg ah u diray Madaxda Maamul Goboleedyada

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay doorashooyinka ka dhacaya dalka Soomaaliya oo dhowr mar dib u dhac uu ku yimid, iyada oo la qabtay oo kaliya haatan doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalena ay bilaabay tan Golaha Shacabka.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa Madaxda maamul Goboleedyada sida Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug loogu booriyey inay ka foggaadaan dib u dhac kale oo ku yimaada doorashada dalka.

Mareykanka ayaa Madaxda maamulada ka dalbaday in si deg-deg ah u soo gabagabeeyaan doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, isla markaana doorashada noqoto mid lagu kalsoonaan karo, hufan oo loo dhan yahay.

“Hannaan waqtiyeysan, oo si ballaaran loo aqbalay ayaa muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya”ayaa lagu yiri Qoraal lasoo dhigay barta rasmiga ah ee Twitter-ka ku leedahay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa ka bilaabatay Muqdisho, maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, waxaana la doortay 24 Xildhibaan oo kamid noqonaya Baarlamaanka 11-aad, iyadoona ay jiraan kuraas doorashadooda muran badan uu ka jiro.

Maamulada Hirshabeelle, Puntland iyo Jubbaland ayaan weli bilaabin doorashada Golaha Shacabka, wallow Jubbaland ay soo saartay oo kaliya Liiska 14-ka kursi ee ugu horreeysa doorashada Golaha,  iyagoo sheegay in maalmaha soo socda ay bilaabayaan doorashada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor