Mareykanka oo dacwad kusoo oogay laba sarkaal oo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin sirdoonka Shiinaha

Laamaha ammaanka iyo caddaaladdda ee dawladda Maraykanka ayaa sheegay in dacwad lagu soo oogay laba sarkaal oo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin sirdoonka Shiinaha, kuwaas oo isku dayayey inay hor istaagaan baadhitaan iyo dacwad oogis ay laamaha ammaanka ee Maraykanku ay ku wadeen shirkadda teknoolojiyadda Shiinaha ee Huawei.

Labada nin ee loo haysto kiiska shirkadda Huawei, oo lagu kala magcaabo Guochun He iyo Zheng Wang, ayaa lagu eedeeyey inay isku dayeen in ay tilmaamo siiyaan qof u shaqeeya dawladda Maraykanka, kaas oo ay u haysteen inuu la shaqaynayo, waxayna ka dalbadeen inuu la wadaago macluumaad sir ah oo ku saabsan baadhitaanka ay waddo waaxda caddaaladda ee Maraykanku ee ku aaddan shirkadda Huawei.

Xogta ay rabeen inay helaan ayay ku jirtay, caddaymaha la horgeynayo maxkamadda, markhaatiyada iyo hadday jiraan eedo cusub oo lagu soo oogayo. Mid ka mida eedaysanayaasha ayaa bixiyey illaa $61,000 si uu xogta u helo, sida ay sheegtay waaxda caddaaladdu.

Kiisaskan ayaa lagu shaaciyey shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen masuuliyiinta ugu sarreeya hay’adda FBI-da iyo waaxda caddaaladda ee Maraykanka, waana arrin aan marwalba dhicin in masuuliyiinta labadan hay’adood ay wada qabtaan shir jaraa’id oo wadajira, hase ahaatee arrintan ayaa muujinaysa miisaanka ay leedahay iyadoo dhinaca kalena farriin u ah, ka hortagga galaangalka Shiinaha ee gudaha Maraykanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor