HomeWararMareykanka oo beeniyey eedeynta Al-Shabaab ee dilkii dhaqaatiirta Cuba

Mareykanka oo beeniyey eedeynta Al-Shabaab ee dilkii dhaqaatiirta Cuba

Date:

Related stories

Dagaalka Romero: Real Madrid, Atletico iyo Man Utd oo isku eryanaya kabtanka Tottenham

Cristian Romero ayaa laga yaabaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Tottenham ka dib dhaawac jilibka ah iyo kooxda oo u laabanaysa Championship-ka.

Ruto Lands 8 Major Deals in Rome as Kenya, Italy Sign New Action Plan

President William Ruto's state visit to Italy has yielded eight new agreements, cementing a three-year action plan with Rome. The wide-ranging deal covers everything from military cooperation and AI to restoring the Cherangany Forest and upskilling Kenya's youth.

Nairobi: Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka UN-Habitat ee horumarinta magaalooyinka

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowle Saciid Xayd ayaa Nairobi kaga qayb galay kalfadhiga UN-Habitat.

Soomaaliya iyo Isku-tashiga: Xarunta Tamarta iyo Biyaha oo loo dhisay qaab casri ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray xarun casri ah oo ay yeelanayso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Sidee Turkigu u Qodayaa Ceelka Curad-1 ee Badda Soomaaliya? Sirta Qalabka Waaweyn!

Mashruuca Curad-1 waa wejigii koowaad ee Soomaaliya ay ku noqonayso waddan shidaal soo saara.

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inaysan mas’uul ka ahayn dilka la sheegay in loo gaystay laba dhakhtar oo u dhashay Cuba oo al-Shabab ay soo jeediyeen eedayn ah inay ku dhinteen duqayn uu gaystay Maraykanku 15-kii Febraayo ee sannadkan.

Taliska Maraykanka ee Afrika AFRICOM waxay qiimaynta saddexdii bilood ee u dambaysay ee ay sameeyeen ay ku xaqiijiyeen in duqayn ay ka gaysteen nawaaxiga Jilib 15-kii Febraayo, hase yeeshee waxay sheegeen in qiimaynta iyo dib u eegista ay sameeyeen kadib ay go’aamiyeen in duqaynta ay ciidamada Maraykanku gaysteen 15-kii Febraayo aysan sababanin wax dhimasho oo rayid ah.

AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay inay dhammaystireen qiimaynta laba dhacdo oo kale oo kala dhacay Janaayo 25-keedii iyo Febraayo 22-keedii sannadkan, oo ka kala dhacay nawaaxiga Galhareeri iyo Kurtunwaarey, iyadoo loo jeediyey eedayn ah in duqaymaha Maraykanku gaysteen ay waxyeello kasoo gaartay rayid.

Maraykanku waxay sheegeen in qiimayn iyo dib u eegis kadib aan Maraykanku wax hawlgal ka samaynin waqtiga iyo meelaha la cayimay.

AFRICOM waxay sheegtay inuu jiro kiis furan oo weli qiimayntiisa ay wadaan, kaasi oo macluumaadkiisa lagu dari doono qiimaynta tan xigta.

Labada dhakhtar oo la kala yiraa Assel Herrera iyo Landy Rodriguez ayaa Al-Shabaab ay kasoo afduubeen bishii April 2019-kii Waqooyi Bari Kenya.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories