Mareykanka muddo kadib Duqeyn cusub ka fuliyay gudaha Soomaaliya

Mareykanka ayaa markii ugu horreysay muddo lix bilood ah weerar duqeyn ah ka geystay Soomaaliya, taas oo uu la beegsaday xubno ka tirsan Al-shabaab, waxaana duqeyntay ay aheyd mid uu ku caawiyay ciidamada kumaandoosta Soomaaliya.

Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa galinkii dambe ee Talaadadii xaqiijisay inay ka dambeeyeen hal weerar oo ka dhacay meel u dhow magaalada Gaalkacyo, oo qiyaastii 580 Kilo Mitir dhanka waqooyi ka xigta magaalada Caasimadda ee Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaashandhigga Mareykanka ayaa Idaacadda VOA u sheegay in duqeyntaas fulinteeda loo cuskaday shirciyo hore u jiray, si loo difaaco xoogagga Mareykanka xulifada la ah, waxaana la fuliyay duqeyntaas iyada oo aysan jirin ciidan Mareykan ah oo ku sugan dhulka.

“Ciidamada Mareykanku waxay hayeen howlgal talo bixin iyo caawimaad ah, kuwaas oo lagu taageerayay ciidanka Soomaaliya” ayuu yiri afhayeenka waaxda Gaashaandhigga Mareykankanka Cindi King oo intaas raaciyay “Ma jirin ciidamo Mareykan ah oo la socday ciidamada Soomaaliya intii uu socday howlgalkan”.

Weerarkii cirka ee Talaadadii lala beegsaday Al-Shabaab ayaa ah duqeyntii ugu horreysay ee noocan oo kale ah muddo lix bilood ah, waana tii ugu horreysay oo la qaado tan iyo markii uu xafiiska la wareegay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan sababta duqeyntan loo oggolaaday ama in Taliska Mareykanka ee Afrika uu bilaabi doono inuu sameeyo olole aad u xooggan oo dhanka cirka ah oo lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya, sida kuwa Mareykanka uu Soomaaliya ka geystay sanadihii la soo dhaafay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor