Mareykanka iyo Turkiga heshiis ka gaaraya arrin xasaasi ah

Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka, Mayk Bombeeyo ayaa hadalkaasi sheegay, kadib, markii uu Khadka Telefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Turkiga, Mefluut Kafusoglu.

Bombeeyo uu sheegay inay ka wada hadleen  Xiriirka labada dal, Arrimaha Syria, Wada-xaajoodka u socda Turkiga iyo Dagaalamayaasha Kurdishka ee YPG  ee uu Maraykanku taageero iyo Muwaadiniinta Maraykanka ee ku xiran Turkiga.

Waxa uu intaasi ku daray in Ergayga Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha dalka Syria, Jiim Jeferi isbuucan u socdaalay W/bari ee dalka Syria, lana filayo inuu sida ugu dhaqsaha badan ku gaaro Caasimadda Turkiga ee Ankara, si uu Madaxda dalkaasi ugala soo xaajoodo dardar-gelinta dadaalka  siyaasadeed ee QM ee lagu doonayo in  xal looga gaaro dagaalka 8-da sanno ka socda dalka Syria.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media