Xeer Ilaalliyaha guud ee dalka Mareykanka, Eric Holder, oo wareysi siiyay warbaahinta ABC ee dalka Mareykanka, ayaa shegay in ay gacanta ku dhigi doonaan ama ay dili doonaan nin wajigsa aan wali la arkin, oo loo yaqaanno Jihadi John, oo Filimada Daacish soo saartay kasoo muuqda marka ay dadka madaxa ka jaraan.
Eric Holder, waxaa uu shegay in shacabka dalka mareykanka ay xil kasaarantahay falalka foosha xun ee ay la kulmaan sida uu hadalka udhigay. isagoona sheegay in ay diirada saari doonaan maalin kasta sida ay ubadbaadinayaan.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Obama, ayaa maalintii qamiistii yiri ” shaqsigii waxyeeleeya qof American ah, waxaa la keeni doonaan cadaalada”. Maalintii khamiista BBC, ayaa sheegtay Jihadi John, in magaciisa runta ah uu yahay Mohammed Emwazi.
Wuxuu ka soo muuqday filimadii muujinayey dilal dhowr ah oo loogeystay shaqsiyaad reer galbeed ahaa, waxaana ku jiray xubaha dilkooda loo heysto James Foley oo American ah, Alan Henning oo ah shaqaale gargaar oo ingiriis ah, iyo saxafigii Japan ee Kenji Goto.
Sidoo kale baaritaanka ay sameysay BBC-da ayaa waxaa lagu shegay in Mohammed Emwazi uu udhashay dalka Kuwaiti, isagoona Ingiriis ka yimid galbeedka London.
Waxaa la aaminsan yahay in inuu tagey Somalia sanadkii 2006, uuna xiriir la leeyahay Xarakada Al Shabaab.
Sidoo kale warbixinada hey’addaha Amaanka Ingiiiska ayaa muujiyay in uu qorsheynayay in uu hada ka hor qorsheynayay in uu udoolo wadamada Tanzania iyo Somaliya si uu ugu biiro Xarakada Al Shabab.