Maraykanka oo Xayiraadda Safarka ka qaadayo dadka Reer Ciraaq.

Wakaalladda Wararka AP ayaa ka soo xigatay Mas’uul ka tirsan Aqalka Cad inuu Madaxweyne Donald Trump shaacin doono in dalka Iraq laga saaray Liiska 7-da Waddan ee Muslimka ee horey dadkooda looga mamnuucay inay ku soo galaan Maraykanka.

Xoghayayaasha Arrimaha Dibedda iyo Difaaca ee Maraykanka ayaa la sheegay inay Madaxweyne Trump ku cadaadinayaan inuu dalka Iraq ka qaado Cunaqabatayntaasi.

Milliteriga Maraykanka ayaa lafdhabar u ah Hawlgalka Ciiddamadda Iraq kula dagaalamayaan Maleeshiyadda Daacish ee weli ku sugan magaalladda Mosul ee Waqooyiga dalkaasi.

Dhinaca kale, Madaxweyne Donald Trump waxa uu bishii Janaayo 27-dii ee ssannadkan Xayirad dhinaca Socdaalka ku soo rogay Muwaadiniinta ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Sudan, Syria, Yemen, Libya, Iran iyo Iraq.

Xayiraadaasi ayaa aad looga qeyliyey, iyadoo ay Go’aankaasi laaleen Maxkmaado ku yaalla dalka Maraykanka.

©Radio Dalsan                  

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media