Madaxweynaha xilka ka sii degayo ee Maraykanka, Barack Obama ayaa shalay sheegay inay Sudan ka qaadeen Xayiraaddii Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maaliyadda ee saarnaa 20-kii sanno ee la soo dhaafay.
Obama waxa uu tilmaamay inay Dowladda Sudan iskaashi ay ka sameeyeen Xaqiijinta Ammaanka Gobalka.
Markii ugu horreyusay muddo 20-sanno kadib, Sudan waxay awoodi doonaan inay heli doonaan Badeecadaha laga soo dhoofiyo Maraykanka iyo Adeegyada kale, sida ay Waaxda Maaliyadda Maraykanka fasaxeen.
Qaadista Cunaqabataynta waxaa kaloo lagu fasixi doonaa Hantida ay Sudan ku leeyihiin Maaraykanka iyo Fasaxa Wershadaha Shidaalka iyo Gaaska ee Sudan.
Dhinaca kale, Madaxweynaha la-doortay ee Maraykanka ayaa soo dhaweeyey go’aankaasi.
Sidoo kale, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Sudan, Qariib Allah Khidir ayaa sheegay inay Tallaabadaasi tahay mid wanaagsan oo muhiim u ah xoojinta xiriirka Maraykanka iyo Sudan.
©Radio Dalsan