Maraykanka oo sheegay in duqeyn uu ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga  Qaaradda Africa ee AFRICOM  ayaa  sheegay inay 6 ka tirsan Alshabaab ku dileen hal Duqyen oo bishan 8-dii ka dhacday Deegaanka Yaaq Baraawe oo ka tirsan Gobalka Baay, sida lagu sheegay Hadal-qoraal oo ay AFRICOM soo saartay.

AFRICOM waxay kaloo sheegtay inay duqeyntaasi ku burburiyeen Gaari Tekniko ah oo ay la socdeen 6 ka tirsan Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Waxayna intaasi ku dareen inaysan dad rayid ah lagu dilin, laguna dhaawicin Duqeyntaasi.

Taliska AFRICOM waxay kaloo sheegeen inay garab taagan yihiin DFS iyo Saaxiibadda Caalamiga si looga hortago weeraradda Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale, Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika waxay qoraalkooda ku sheegeen inay sii wadi doonaan  inay kala shaqeeyaan Saaxiibadooda sidii  ay Ciiddanka AMISOM ugu wareejin lahaayeen DF S iyo Dowlad-gobaleedyadda  mas’uuliyadda Ammaanka ee xilliga dheer ee dalka Somalia.

Ugu dambeyn, AFRICOM waxay sheegtay in Ciiddanak Maraykanka loo isticmaali doono dhamaan qaababka laga taxadiray ee lagu badbaadin karo Ummadda Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan Ciiddamadda kale ee ay shaqo wadaagta yihiin, AMISOM,  DFS iyo Ciiddanka Ammaanka Qaranka Somalia ee S.N.A.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor