Yuhuudda waxay ku cadaadinayaan Maamulka Mdaaxweyne Donald Trump sidii uu qeyb ka mid ah dhulka Yuhuudda ugu aqoonsan lahaa Buuraha Golan Heights oo Suurya looga qabsaday Dagaalkii dhacay saannadkii 1967-kii.
Wasiirka Sirdoonka ee Yuhuudda, Yisrael Katz oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay in Ajndahooda sare yahay sidii ay Maraykanka u ayidi lahaayeen inay Buuraha Golan qeyb ka tirsan yihiin Yuhuudda.
Waxa uu intaasi ku daray inuu qqoddobkaasi muhiim u yahay xoojinta Xiriirka Diplomaasiyadeed ee ay Maraykanka la leeyihiin.
Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka oo la hadlay REUTERS ayaa sheegay inay Yuhuudda kala shireen qoddobkaasi, balse, waxa u uka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo hadalkii Wasiirka Sirdoonka Yuhuudda uu kaga hadlay Buuraha Golan Heights.
Damaca Maamulayaasha Yuhuudda ayaa ku soo beegmay, iyadoo ay Dowladda Maraykanka bilowgii bishan Safaaradooda u soo wareejiyeen magaalladda barakaysan ee Quddus-ta La-haysto, iyadoo ay Cambaarayn kala kulmeen Caalamka Islaamka iyo dalalka kale.
Buuraha Golan oo ku yaalla dhul Istaraatijiyad leh oo u dhexeeya dalka Syria iyo Yuhuudda, wuxuuna ku fadhiyaa masaafo dhan 1,200 oo KM oo isku wareeg ah.