Maraykanka oo ku dhawaaqay in diiradda ay saarayaan burburinta awooda Al-Shabaab

Maamulka Mareykanka ayaa sheegay in ay si xoogan u taageerayaan dadaalada lagu carqaladeynayo hababka dhaqaale iyo maalgalinta sharci darada ah ee ay adeegsadaan Al-Shabaab.

Hadaladaan ayaa yimid ka dib markii khabiirro ka tirsan Qaramada Midoobay ay xuseen in Kooxdaasi sanadkii hore ay soo ururiyeen lacago ka badan $ 21 milyan oo ay ku bixiyeen dagaalada, hubka iyo sirdoon .

Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Kelly Craft ayaa Arbacadii u sheegtay Golaha Amniga in maamulka Trump ay ka go’an tahay la shaqeeyaan wadamada kale,isla markaana ay adeegsadaan cunaqabateynta Qaramada Midoobay si looga hortago “maalgalinta argagixisada” ee Al-Shabaab.

“Mareykanka wuxuu sidoo kale diiradda saarayaa burburinta awooda Al-Shabaab oo caadeysatay weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah”, ayeey tiri Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay .

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay  ayaa lagu waramay in ay diiradda saarayaan warbixinadii ugu dambeeyay ee ay soo gudbiyeen guddiga khubarada iyo sida wax looga qaban karo saameynta dagaalada Al-shabaab ee aan ku ekeyn Soomaaliya,balse u gudbay dalalka deriska ah .

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media