• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, July 9, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Mareykanka oo ka baaraan degaya qorshe Ciidamo ugu soo dirayo Somalia

Dalsan Editor by Dalsan Editor
June 16, 2021
in Warar, Wararka Idaacadda
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wargeyska The New York Times, cadadkiisa shalay ayaa lagu daabacay Warbixin dheer oo ku aadan Qorshe ay Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon ku qiimeynayso Codsi ku aadan sidii Tobaneeyo Tababarayaal ka tirsan Ciiddanka Khaaska dib loogu diri lahaa Somalia, si ay Ciiddanka Maxaliga taageero uga siiyaan La-dagaalanka Al-Shabaab.

Afhayeenka Waaxda Difaaca Maraykanka, John Francis Kirby waa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo Codsiga Cusub ee Ciiddamo loogu soo diri doono Somalia.

Codsigaasi ayaa qeyb ka ahaa Tallaabo qeyb ka ah sidii dib loogu eegi lahaa Go’aankii Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Donald Trump uu ku-dhawaad 700 Askar Maraykan kaga saaray gudaha Somalia bishii Janaayo ee sanadkan 2021-ka.

Dhinaca kale, Wargeyska The New York Times waxa uu qoray inaan Codsiga Cusub weli loo gudbinin Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Lloyd James Austin-ka 3-aad, mana kala cadda haddii uu Madaxweyne Joe Biden ansixin doono Qorshe noocaasi ah.

Wargeyska waxa kale oo uu xusay inay jiraan Caqabado kale oo aan weli dib loo xalinin oo ku aadan Dooda Siyaasadeed ee Horumarinta Sharciyada Cusub ee Ficilada Tooska sida Duqeymaha Diyaaradaha Darooniska ee ka fog Deegaanada ay Firfircoonida Dagaallada Tooska ah ka socdaan.

Maamulka Madaxweyne Joe Biden waxa uu Xadidaad cusub ku bedelay Duqeymaha Noocaasi ah, kadib, markii uu Xafiiska la wareegay bishii Janaayo 20-dii ee sanadkan 2021-ka, si waqti loo siiyo Horumarinta Siyaasad Rigli ama Joogto ah.

Warbixinta Wargeyska The New York Times waxaa lagu xusay Tan iyo xilligaasi inay Aqalka Cad ku gacan sayreenj Codsiyo  kooban oo ay Taliska Ciiddanka Maraykanka ee AFRICOM ku doonayeen Duqeymo Daroonis oo ka dhan ah Bartilmaameedyadda Al-Shabaab ee gudaha Somalia, sida laga soo xigtay Saddex Sarkaal oo Maraykan ah oo la hadlay Wargeyskaasi.

Ku-dhawaad Shantii bilood ee la soo dhaafay, Maraykanka wax weerar duqeyn ah kama fulinin gudaha Somalia, taasi oo caddayn hakin u ah Dagaalka Darooniska ayuu daabacay Wargeyska The New York Times.

Maamulkii Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump waxay Ciiddanka AFRICOM 52 Duqeyn Daroonis ah ka fuliyeen Somalia sanadkii hjore ee 2020-kii, halka ay 63 Duqeyn fuliyeenj sanadkii ka sii hjoreeyey ee 2019-kii.

Wargeyska The New York Times waa uu qoray in inta badan 700 ee Askarta Maraykanka ee laga daad-gureeyey Somalia bishii Janaayo ee sanadkan loo qaaday Saldhigyo ku yaalla Kenya iyo Jabuuti, halkaasi oo ay Diyaaradaha Darooniska Maraykanka ka soo qaadaan Duqeymaha Cirka ee ay Somalia ka fuliyaan.

Tiro Yar oo Askar Maraykan ah oo aan ka badnayn 100 Askari sida ay Saraakiisha sheegaan ayaa weli ku sugan gudaha Somalia, kuwaasi oo Taageero ka geysta Xiriinjta Warbixinada ee Diyaaradahja Sirdoonka ee gacan ka geysta sidii loola socon lahaa waxa loogu yeeray Khataraha Al-Shabaab iyo kooxo kale.

W/Q: Ustaad Nuuradiin.

Previous Post

Dhageyso:-Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan 16-06-2021

Next Post

Puntland oo Ciidamo farabadan geeysay Degmo ka tirsan Gobolka Sanaag

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

July 8, 2025
Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori
Warar

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

July 8, 2025
Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta  iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa
Warar

Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa

July 8, 2025
Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray
Caalamka

Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray

July 8, 2025
Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab
Warar

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

July 7, 2025
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

July 7, 2025
Next Post

Puntland oo Ciidamo farabadan geeysay Degmo ka tirsan Gobolka Sanaag

Somalia’s Minister of Internal Security Meets with Chinese Ambassador to Strengthen Bilateral Cooperation

Somalia’s Minister of Internal Security Meets with Chinese Ambassador to Strengthen Bilateral Cooperation

by Gesey Liban
July 8, 2025
0

Mogadishu – Somalia’s Minister of Internal Security, H.E. Abdullahi Sheikh Ismail (Fartaag), today received the Ambassador of the People’s Republic of...

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

by Ilhaan
July 8, 2025
0

Magaalada Laascaanood, xarunta gobolka Sool, ayaa maanta martigelin doonta ergooyinkii ugu horreeyay ee ka kala socda gobolka Sanaag iyo deegaanada...

No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government

No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government

by Gesey Liban
July 8, 2025
0

Mogadishu – The Federal Government of Somalia wishes to make it unequivocally clear that no military forces have been deployed to the...

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

by Ilhaan
July 8, 2025
0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo malleeshiyaadka deegaanka ay wadaan dhaqdhaqaaqyo milateri...

Somalia’s Minister of Internal Security Meets with Chinese Ambassador to Strengthen Bilateral Cooperation
English News

Somalia’s Minister of Internal Security Meets with Chinese Ambassador to Strengthen Bilateral Cooperation

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo
Warar

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government
English News

No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori
Warar

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta  iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa
Warar

Qatar oo Martigelinaysa Ciyaaraha Carabta iyo Soomaaliya oo Si Buuxda Uga Qaybgalaysa

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray
Caalamka

Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray

July 8, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia’s Minister of Internal Security Meets with Chinese Ambassador to Strengthen Bilateral Cooperation
  • Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo
  • No Troop Deployment to Sool or Sanaag, Says Somali Federal Government
  • Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00