Hadal Qoraal oo ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa lagu sheegay inay Madaxa Kooxda Daacish ee Somalia, Sheekh C/qaadir Muumin lagu soo rogay Cunqabatan Dhaqaale, laguna daray Liiska Gaarkja ee Argagixisadda Caalamka.
“C/qaadir Muumin, oo horey Alshabaab u ahaa Afhayeen iyo Tashkiile dadka u qora waxay isaga iyo 20 Maleeshiyadda taageersan ku biireen Kooxda Daacish bishii October ee sannadkii hore” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka.
Waxaa kaloo lagu xusay inuu Sheekh C/qaadir Muumin oo haatan Saldhig ku leh Buuraha Galgala ee Puntland uu ka mas’uul yahay carruur yaryar oo da’doodu u dhexeyso 10 ilaa 15 jir oo uu ku khasbay inay ku biiraan Maleeshiyadiisa, kana qeyb galeen Dagaalladdii ka dhacay Puntland.
Madaxa Kooxda Daacish ee Somalia, Sheekh C/qaadir Muumim waxa uu muddo 4 sanno ka tirsanaa Saraakiisha Xarakadda Alshabaab, ka hor inta uusan ku dhawaaqin inuu u daacad yahay Hoggaamiyaha Kooxda Daacish, Sheekh Abu Bakar Albaqdaadi.
Kooxda Daacishta Somalia, waxay bishii May ee sannadkan weerarkoodii ugu horreeyey ka fuliyeen Somalia, iyagoo sheegay inay Qarax miino ku burburiyeen Gaari ay lahaayeen Ciiddanka AMISOM oo marayey duleeda Muqdisho.
Mana kala cadda in ay Askarta AMISOM ku geeriyoodeen ama ku dhaawacmeen weerarkaasi.
Dhinaca kale, Sheekh C/qaadir Muumin oo ku noolaan jirey dalka Britain, waxay Dowladda Britain ku tuhunsan tahay inuu wax ka maleegay Falkii lagu dilay Askari British ah sannadkii 2013-kii.
©Radio Dalsan