Maraykanka oo gaadiid dagaal ugu deeqay hawlgalka ATMIS

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay ugu deeqday hawlgalka nabad ilaalinta Midawga Afrika ee Soomaaliya ee loosoo gaabiyo ATMIS illaa 24 gaadhi oo ah kuwa gaashaaman. Waxaana deeqdan gaadiidka ahi ay ku soo beegmaysaa, saddex bilood uun ka dib, weerarkii ugu dhimashada badnaa ee muddo sannado ah lagu qaado hawlgalka ATMIS ee taageerada ka hela Maraykanka.

Wareejintan oo ay goob joog ka ahaayeen safiirka dalka Mareykanka u jooga Soomaaliya Larry Andrè iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS ayaa maanta oo Khamiis ah ka dhacday magaalada Muqdisho.

Gaadiidkan dagaalka ee loogu deeqay hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya ayaa la rajaynayaa inay kor u qaaddo awoodda ay u leeyihiin la dagaalanka al-Shabaab.

Gaadiidkan gaarka ah ee Maraykanku ku deeqay, waxaa isticmaali doona ciidamada dalka Djibouti ee ka hawlgala magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Danjiraha Maraykanka u jooga Soomaaliya Larry Andre ayaa sheegay in gaadiidkan ay wareejiyeen uu awood u leeyahay inuu iska difaaco miinooyinka waddada hareeraheeda lagu aaso.

“Sida aan u muujinayno taageeradayada, waxaa ka mid ah, inaan ku taageernay hawlgalka nabad ilaalinta Midawga Afrika ee Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada Djibouti, gaadiidkan oo ka caawina inaanay waxyeello soo gaadhin marka ay ku safrayaan waddooyinka, taasoo marar kala duwan waddahada hareeraheeda lagu aaso miinooyin halis ah oo waxyeello soo gaadhsiinaya dhinacyada u yimi inay Soomaaliya caawiyaan” ayuu yidhi danjiruhu.

Sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Afrika oo lagu magcaabo Fiona Lortan, ayaa sheegtay in qalabka milaterigu uu soo gaaray waqti ku habboon, iyadoo howlgalka uu dib u habeyn ku sameynayo ciidamadooda iyo qalabkooda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor