Maraykanka oo dib loogu celinayo Haraaga maydadka Askartii looga dilay Dagaalkii Kuurya.

100 Naxash oo ay ku jiraan haraagga maydadkaasi ayaa la filyaa in berrito laga qado Waqooyiga Kuurya, si loogu celiyo dalka Maraykanka.

Wakaalladda Wararka Koonfurta Kuurya ee YONHAP ayaa sheegtay inay ilo Diplomaasi u xaqiijiyen inay Dowladda Waqooyiga Kuurya oggolaatay in sanaadiiqda maydadka Askartii Maraykanka dib loogu celiyo Maraykanka.

Diyaarad xamuul oo ay milliteriga Maraykanka leeyihiin ayaa la filayaa inay ka degto Saldhig Milliteri oo ku yaalla magaalladda WOTISON ee W/bari ee dalka Waqooyiga Kuurya, si ay u soo qaadaan 100-ka Naxash ee lagu soo riday maydadkaasi.

Dib-u-celinta maydadka Askartii Maraykanka ee lagu dilay Dagaalkii  Kuurya ee sannadihii 1950-kii ilaa 1953-kii ayaa waxa uu ka mid ahaa Heshiiskii ay Madaxweyne Trump iyo Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuurya, Kim Jong Un Shirkii ay dalka Singapore ku yeesheen bishii June 12=dii ee sannadkan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media