Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka, Patrick Shanahan iyo Wasiirka Difaaca ee Uganda, Adolf Mwesige waxay shalay Kulan Khaas ah ku yeesheen magaalladda FANKUFAR ee dalka Kanada, oo ay kaga qeyb galeen Shirka Wasiiradda Difaaca Caalamka ee looga hadlay Hawlaha QM ee Nabad-ilaalinta sannadkan 2017-ka.
Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka, Patrick Shanahan waxa uu sheegay inay Dowladda Mraaykanka garwaaqsan tahay dadaalka ay Uganda 10-kii sanno ee la soo dhaafay ugu jirto Hawlaha Nabadda Somalia iyo khasaaraha Ciiddankooda ka soo gaaray Hawlgalka AMISOM.
Waxa uu intaasi ku daray inuu og yahay inay Ciiddanka Uganda naftooda ku waayeen Hawlgalaka ay ka wadaan gudaha Somalia.
Ku-xigeenka Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka, Patrick Shanahan iyo Wasiirka Difaaca ee Uganda, Adolf Mwesige waxay kaloo ka wada hadleen qaabka ugu wanaagsan ee lagu taageeri karo Dhaqaaqa Hawlgalka AMISOM sidii dalka Somalia loogu soo dabaali lahaa Nabad iyo Deganaansho.
Labada Hoggaamiye waxay kaloo wada hadleen sidii loo xaqjiin lahaa Iskaashiga Wasaaradaha Difaaca ee Maraykanka iyo Uganda ee lagu horumarinayo Ammaanka Gobalka ee Bariga Afrika.
Kulanka Patrick Shanahan iyo Adolf Mwesige waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay Dowladda Maraykanka ka codsatay Dowladaha ay Ciiddanka ka joogaan Somalia inaysan Ciiddankooda kala bixin Somalia, waxayna Maraykanka u ballan qaadeen Hawlgalka AMISOM inay ka taageeri doonaan dhinacyada Dhaqaalaha, Qalabka iyo Loojistikada.
Taliska AMISOM ayaa horey u sheegay qorshaha ay Ciiddanka AMISOM kaga bixi doonaan Somalia, kaasi oo lagu wado inuu bilowdo dabayaaqadda bisha soo socota ee December.