Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay Simikaarada ay bixiyaan Shirkadaha isgaarsiinta loo adeegsado qaraxyada ka dhaca Muqdisho

Wasiirka Boostada iyo Isgarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in mararka qaar markii ay qaraxyada dahcayaan lagu arko Simikaarada Shirkadaha Isgaarsiinta dalka,isla markaana dowladda aysan arkin cid iskaleh.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda in xiligaan wixii ka dambeeya ay  ogaan doonto cida lahaanshaha simikaarkaas.

Ugu dambeyn wasiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in Sharciga Isgaarsiinta dalka uu fududeyn doono in hal Simkaar lagu Waco dhamaan Shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media