Xalane Waa Qeyb ka mid ah Muqdisho,Wasiiro soo arkay 150 Shirkadood oo Sharcidaro ku degan Xalane

Dood adag ayaa dhex martay Wasiiro,Wasiir ku xigeeno iyo taliyaal Ciidan oo maanta booqday Xarunta Xalane oo fariisin u ah Ciidamada Amisom Safaarado kuwa reer Galbeedka u badan,Hay’addaha UN,ka Hoteelo iyo shirkaddo Ganacsi oo 150 ka badan.

Wasiirada iyo Wasiir ku xigeenada maanta tagay xalane ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Maaliyada Soomaaliya C/Raxmaan duceele Beyele,Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiir ku xigeeno.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya oo meesha ka hadlay ayaa marka hore u sheegay shirkaddaha meesha degan in Xalane ay tahay qeyb ka mid ah Soomaaliya islamarkaana ay u hoggaansamaan Sharciga dalka ka jira ayna bixiyaan Canshuurta.

Wasiir Saalax ayaa sidoo kale sheegay Shaqaalaha Ajnabiga ah ee halkaasi ku sugan ay baari doonaan Shaqadooda si loo ogaado in ay jiraan Shaqooyin uu qaban karo qof Soomaaliyeed si Shaqo abuur loogu sameeyo Dhalinyarada Soomaaliyeed ee mararka qaar dalka ka tahriiba.

Mid ka mid ah Saraakiishii kulankaas Goobjooga ka ahaa ayaa si awood ah ugu sheegay Madaxda shirkadahaas in aysan Soomaaliya ka Shaqeyneyn doonin hadii aysan isdiiwaangelin.

Dhanka kale Wasiirka Warfaahinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow,ayaa ugu baaqay Madaxda Shirkaddaha Ajnabiga ah iyo kuwa Soomaliga intaba eek a Shaqaeeya Xerada Xalane Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde iyo Dekadda weyn ee Muqdisho in ay si dhaqso ah isku soo diiwaan geliyaan si ay waajib ugu noqoto in ay Canshuurta bixiyaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media