Dhageyso:-Wasiirka Wasaarada Cadaalada oo sheegay in la dadajin doono dhismaha Golaha Adeega Garsoorka dalka

Wasiirka Wasaarada Cadaalada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in kulankii Baarlmaanka Soomaliya ee uu dhawaAn hortegay ee looga dalbady in uu soo dedejiyo dhisida Golaha Adeega Garsoorka dalka uu aad u soo dhaweynayo islamarkaana ay tahay talaabo fiican.

Waxa uu sheegay in Wasaaradu ay ku dadaali doonto sidii loo dhisi lahaa Golaha Adeega Garsoorka dalka kuwaas oo ay baahi weyn u qabaan Shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka aya hadalkan ka sheegay xili uu ka qeybgalayay Munaasabad tababar loogu furayay Kal kaaliyaal ka tirsan Wasaarada Cadaalada Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Cadaalada Soomaaliya

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media