Dhagayso:- Wasaarada Amniga K/galbeed oo ka hadashay Dagaalo ka dhacy Sh/Hoose

Cabduqaadir Cabdirxmaan Cali Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaliy oo la hadlay war qabadka Radio Dalsan ee Muqdisho ayaa ka war bixiyay dagaaal uu Sheegay In uu dhex Maray Al Shabaab iyo Maleeshiyaad dadka deegaanka ah isla markaana Maamulka KGS ay Ku gacansiinayaan dagaalkaas oo ka Dhacay Tuulooyin hoos taga deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa waxa uu ku billowday in Al Shabaab lacago baad ah ay ka Qaateen gaadiid dadka deeganka rakaab uu usarnaa taas oo uu Sheegay In dhowr Jeer ay arintaas Al Shabaab ay kala kulmeen dadka Deegaanka.

Dhanka kale wasiir udowlaha Wasaaradda Amniga Maamulka KGS Soomaaliya ayaa Sheegay in sadex Askari oo ka tirsan Al Shabaab Halkaas ay ku dhinteen dadka deegaanka oo garab ka helaya Maamulka Gobolka ayaa dhankooda sheegay in gaadiidkoodii ay ka koo furteen Al Shabaab.

Halkaan ka dhagayso codka Wasiir dowlaha KGS

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media