Wareysi:-Is casilaadii gudoomiye Jawaari maxaa la gudboon Baarlamaanka Soomaaliya?

Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah mudanayaasha golaha Shacabka Sooamaliya ayaa faah faahin ka bixiyey Is casilaada Gudoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xilhdibaanoo Wareysi siiyey Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegay in sakay ay tageen Xarunta Golaha Shacabka si ay kulanka uga qeyb galaan balse ay la kulmeen Warqad lagu sheegayay in gudoomiyihii is casilay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in intaasi kadib ay raadiyeen xaqiijin farabadan oo ku adan warqada,waxa uuna shegay in durbadiiba uu u yimid gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka muudeey,isla markaana uu u akhriyey Warqada is casilaada.

“Runtii waxaa naloo akhriyey warqad ay ku qoran tahay ku soocto mdaxweyne anigoo ah  gudoomiyaha golaha Shacabka waxaan halkaan ku cadeynayaa in aan is casilay aniga oo aqbalay codsigii madaxweynaha ayuu yiri xildhibaanka”

Dad badan ayaa siweeydiinaya sababta xiligaan ku soo beegtay is casilaada gudoomiye Jawaari,iyada uu jiray kulan xalay dhexmaray madaxweynaha iyo gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media