Wareysi:-Yaa ka dambeeyey siideynta Cabdi Kariin Qalbi-Dhagax

Suldaan Fowzi Maxamed Cali oo ah Suldaanka Qalbi Dhagax,isla markaana Gurigiisa uu ku sugan yahay markii xabsiga laga siidaayey ayaa Wareysi uu siiyey Dalsan waxa uu sheegay in iayda oo aan wax shuruud ah lagu xrin xabsiga laga siidaayey.

Sidoo kale waxaa Dalasn la hadlay Cabdi Kariin Muuse Qalbi-Dhagax,in kastoo aan weli loo ogolaan in uu Warbaahinta la hadlo ayuu Dalsan u xaqiijiyey in xabsiga laga siidaayey,isal markaana uu ku sugan yahay Guri ku yaalla Magalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya.

Inkastoo xilligaan aan weli loo ogolaan in uu Warbaahinta la hadlo Qalbi Dhagax ayuu sheegay in maalmaha soo socda uu hadli doono,isla markaana uu shaacin doono xarigiisa sababtii uu ku yimid iyo cida ka dambeysay siideyntiisa.

Suldaan Fowzi Maxamed Cali ayaan weeydiinay Su’aal aheyd yaa sabab u ahaa in qalbi dhaxag lasiidaayo?ayuu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Azmed uu ka dambeeyey siideynta,waxa uuna sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax lug ah ku laheyn xilli ay soo baayeen in dowladda Soomaaliya ay siideyntiisa qyeb weyn ka qaadatay.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Suldaan Fowzi Maxamed Cali oo dhameystiran.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor