Wareysi:-Xildhibaanada Galmudug oo ku soo qul qulaya Magaalada Muqdisho kadib Casuumaadii Farmaajo

Kadib codsigii ka yimid Madaxweyne Farmaajo ee ku aadanaa in uu la kulmayo ayaa waxaa inta badan Muqdisho soo gaaray Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Tiro xildhibaanada Galmudug ah ayaa Saacadihii la soo dhyaafay yimid Muqdisho halka kuwa kale ay horay u joogeyn.

Xildhibaan Garaad Yuusuf Qowqabo oo ka mid ah Xildhibaanada Galmudug oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in tani ay ka dambeysay kadib markii uu horay ugu yeeray Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoonka Baarlmaanka Maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in wadahadalo dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoonka Baarlamaanka si xal looga gaaro khilaafka Galmudug uu Gudoomiye Cali Gacal uu dalbaday in loo yeero Xildhibaanadii xilka ka qaaday Xaaf.

Wariye Guuleed oo Wareysanayay ayaa weeydiiyay Su’aal aheyd hadii uu Madaxweyne Farmaajo idinka dalbado in aad ka laabataan Go’aankii xilka qaadista Xaaf maxaad leedihiin ayaa waxa uu ku jawaabay.

“Runtii ma umaleynayo in madaxweyne dalka ah uu arrinkaas ku dhaqaaqo dal waxa uu ku dhisan yahay dowladnimo iyo Dastuur sidaad darteedna wixii Dastuur iyo Sharci lagu waayana aysan suurtagal aheyn lagana fikiro anaguna sidaan horay kuugu sheegay in uu arrintaas laga hadli doono ma umaleynayo hadii uu noo sheegana waa wax Sharcidaro ah waayo anagu manihin beelo dagaalamay oo la heshiisiinaayo ayuu yiri”

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaanka

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media