Wareysi:-Wasiir Xoosh”Dhameystir la’aanta Dastuurka waxay caqabad ku tahay dhicidda Doorasho Qof & Cod

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo Wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa faah faahiyay qorsha dib u eegista iyo dhameystirka Dastuurka oo ay Wasaaraddu Wado.

Wasiirka ayaa marka hore ka hadlay kormeer howleed uu ku tegay deegaano ka tirsan Puntland iyaga oo wada tashi kala sameeyay Madaxda iyo Bulshada Dowlad Goboleedka Puntland.

Waxa uu sheegay in qorshahaas uu ahaa sidii wadatashi loola sameyn lahaa Bulshada iyo Madaxda Puntland taas oo ay qeyb ka ahaayeen Golaha Wasiirada oo ay horay ugu soo sameeyeen deegaano farabadan oo ka tirsan Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Ka Wasaarad ahaan ayuu sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo ku xiran dhameystirka Dastuurka dalka sida in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah laakin hadii la waayo taasi ay keeneyso in dadku ay galeen doorasho dadbadan sidii Dowladda Xaan Sheekh Maxamuud.

Hoos Ka Dhageyso wareysiga oo dhinacyo badan uu uga hadlay Wasiir Xoosh.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media