Wareysi:-Naciimo Abwaan Qorane” Xarig iyo cagajugleyn kasta oo leygeysto weli waxaan aaminsanahay Soomaalinimada”

Mudo dhowr bilood ah kadib waxaa Maanta xurriyadeedii dib u heshay Naciimo Abwaan Qorane oo ah Gabar dhalinyaro Abwaanad ah,isla markaana caanka ah Baraha Bulshada dhawaana Maxkamada Hargeysa ay ku xukuntay Xabsi Saddex Sano ah.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kusdiidaayay cafis Madaxweyne,waxana Caawa Wareysi ay siiyey Radio Dalsan ku faah faahisay qorshihii loo xiray iyo go’aankeeda xiga maadaama haatan ay xur tahay oo lasiidayey.

Waxa ay sheegtay in Xabsigii ay ku xirneyd uu ahaa mid aan wanagsaneyn oo duruufo badan ay ku heysteen intii ay xirneyd oo aheyd Saddex bilood iyo 12 Cisho laakin ay dadaal badan bixiyeen Waalidiinteeda iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed sidii loosiideyn lahaa.

Waxaan waxka weydiinay kiiskii lagu soo eedeeyey ee sababtay in loo xiro kadibna loo xukumay waxa ayna ku jawaabtay.

“Runtii horta xarigaas wuxuu ahaa mid sharcidarro ah oo maxkamadu waxa ay u dhaxeysaa dowladda iyo Shacabka,waxana wanaagsan in maxkamadu ay mar walba dhex dhexaad ahaato laakin xarigeyga wuxuu ahaa mid sisharci ah aan lo marin,aniga dareenkeyga waxba iskama bedelin waxan u arkayay in waaya aragnimo aan ka dhaxli doono laakin nasiib wanaag maanta ayaan helay xuriyadeyda ayay tiri Abwaan Naciimo Abwaan Qorane.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in xariga loo geystay iyo cagajugleynta lagu haayo aysan marnaba wax saameyn ah ku yeelan doonin tallaabo kasta oo ay qaadi laheyd,welina ay tahay qof aaminsan in Soomaalinimo deeqdo.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Abwaan Naciimo Abwaan Qorane oo dhameystiran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media