Wareysi:-Laba qof oo ku geeriyootay qarax ka dhacay D/Baraawe & Maamulka oo ka hadlay

Maamulka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ayaa faah faahin ka bixiyay qarax khasaaro geystay oo Caawa fiidkii ka dhacay duleedka degmadaas.

Qaraxan ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah,waxa uuna qabsaday Gaari Cows siday oo ku sii jeeday deegaano ka tirsan degmada Baraawe sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Bare Maxamed Jeex.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in qaraxaas ay Al-Shabaab ku aaseen meel degmada u jirta 11km isla markaana Gaariga uu qabsaday,waxa uuna sheegay in laba Ruux ay halkaasi ku geeriyootay halka laba qof kale uu dhaawac halis ah gaaray.

Sidoo kale waxa uu sheegay Gudoomiyaha degmada Baraawe in ay halkaasi ka sameeyeen qaraxa kadib howlgal ay ku soo qabteen dad looga shakiyay in qaraxaasi ay ka dambeeyaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha degmada Baraawe.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media