Wareysi:-Kaaliyihii Maxkamada D/Walweyn oo xalay la dilay iyo Howlgallo ka socda degmadaas

Degmada Walaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa xalay lagu dilay Kaaliyihii Maxkamada degmada Walaweyn oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Jacfar Cabdi.

Dilka ayaa sida la sheegay wax uu ka dhacay afaafka hore ee guriga kaaliyaha,iyada oo dadkii ka dambeeyay dilkaas ay goobta isaga baxsadeen sida uu Dalsan u sheegay gudoomiye ku xigeenka degmada Walweyn Maxamed Cabdullaahi Cumar.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa dilkaasi waxa uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan Al-Shabaab oo uu sheegay in ay dhibaato ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Gudi loo saaray baaritaanka ku aadan sidii Gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay dilka Kaaliyihii Maxkamada degmada Walweyn Maxamed Jacfar Cabdi.

Wararkii u dambeeyay ee haatan nasoo gaaraya kana imaanaya degmada walaweyn ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo howlgallo ay wadaan ciidamada Booliska oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka Kaaliyihii Maxkamada Degmada Walaweyn.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiye ku xigeenka Degmada Walaweyn.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media