Wareysi:-Hooyo Caruur Mataano ah dhashay oo ugu magacdartay Farmaajo iyo Kheyre

Istar Cabdi Maxamed waa Hooyo Soomaaliyeed oo Muqdisho ku dhashay laba Caruur ah oo Mataano ah waxa ay ka sheekeysay marka hore dhibaatadii ay u martay dhalista Caruurtaas.

Waxa ay sheegtay in Caruurtaan ay dhasheyn iyaga oo aan Bilo dhameysan oo Uurka ku jira mudo todobo Bilood ah.

“Xaqiiqdii aniga Galab 5:30 ayay fool I qabatay Saacado kadibna waan dhalay laakin waxaa l ii sheegay in ilmahaan ay u baahan yihiin in dhalo lagu koriyo leyguna yiri dhalada waxaa maalintii loogu kireynayaa 50 dollar laakin aniga ma awoodin balse Nin ay Odaygeyga saaxibo yihiin oo lagu Magacaabo Ferenfer ayaa iga bixiyay lacagtii mudo Shan Maalmood ah ayay tiri Hooyo Istar”

Mar la weeydiiyay sababta ay ugu magacdartay Madaxda dalka ayaa waxa ay sheegtay in Ninkeeda ay weydiisay Shqsiga caawiyay waxa uu ahaa uuna u sheegay in uu dowladda ku jira intaas kadibna Gabar ay dhashay ay Magacaas u bixisay kaas oo ah Xasan oo lagu naaneysayo Kheyre oo ah Magaca Ra’iisul Wasaaraha iyo Maxamed oo lagu naaneyso Farmaajo oo ah Magaca Madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn Hooyo Istar ayaa ugu baaqday Madaxda dowladda Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed in ay soo caawiyaan.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Hooyo Istar oo dhameystiran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media