Wareysi:-Arday ku Sumowday Jalaato ay cuneyn M/Muqdisho

Waxaa Maanta Arday dhiganayey Iskuulka Globol ee degmada Kaaraan ay ku sumoobeen Jalaato ay cuneyn,sida uu xaqiijiyey Maamulka iskuulkaas,ardaydaas oo loola cararay Isbitaalka keysaneey ee Magalada Muqdisho si halkaasi loogu daweeyo.

Ardaydaan ayaa waxa ay gaaraayan ilaa 25,waxana la sheegay in ay ku sumoobeen Jalaato ay ka iibsadeen Haweeney banaanka ku ku iibineysay Jalaatada,taas oo dhashay qaar ka mid ah Carruur dhigata Iskuulka.

Maamulaha Iskuulka Globol Xarunta  uu ku leeyahay Xaafada Buulo Maaxaay ee degmada Kaaraan  Maxamuud Macalin Kaaraan ayaa Dalsan u sheegay in Carruurta ku sumoobay oo gaaraya 25 Arday haatan la geeyey Isbitaalka keysaneey,sidoo kalena ay jiraan Haween Jalaatadaas cunay oo iyana ku sumoobay,isla markaana la keenay Isbitaalka.

Sidoo kale Maamulaha Iskuulka Globol ee degmada Kaaraan ayaa waxa uu sheegay in Ardayda Sumoobay ay ugu daran yihiin 5 ka mid ah balse dhaqaatiirta Isbitaalka keysanayaan ay ad ula tacaalaayan.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Maamulaha Iskuulka  Globol Xarunta  uu ku leeyahay Xaafada Buulo Maaxaay ee degmada Kaaraan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media