Somalia iyo Mareykanka oo kala Saxiixday Heshiis ku kacayo 300-Milyan oo Dollar

Dowladda Federaalka ah ee  Soomaaliya,  ayaa maanta Heshiis taariikhi ah la gashay Dowladda Mareykanka mudo 30 sano ah kadib.

Heshiiskaan oo ku kacaya ku dhawaan $300 oo milyan oo Dollar,  ayaa waxa wax looga qaban doonaa arimaha Caafimaadka, Waxbarasha iyo hormarinta dhaqaalaha Dalka.

Hishiiskaan, ayaa Dowladda Soomaaliya waxaa u saxiixay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle iyo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo xiriirka caalamiga ah, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, iyaddoona uu goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre.

Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa dhowaan hishiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo dhismaha wadooyinka ka baxa Magaaladda Muqdisho lagalay Dowladda Qatar, taasi oo ku baxaysa lacag dhan $200 oo Milyan oo dollar.

Sawirro:

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media