Sheekh Nuur Baaruud “Dad badan ayaa dhahaya wadaadka hala tarxiilo Goormeen Ajnabi noqday xageesa la”ii tarxiilayaa?

Sheekh Nuur Baruud Gurxan oo ka mid ah Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ahna gudoomiye ku xigeenka Guddiga taakuleynta Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in hadalo kala duwan oo uu Munaasabado ka jeediyay  ay noqdeen kuwo saameyn ku yeeshay Siyaasada dalka.

Waxa uu sheegay in hadaladaas oo ahaa in Xildhibaanada Mooshinka wada Xukuumadda in Guryahooda lagu tuuryeeyo iyo in kuwa Nabada diidan ee laaluushka kas oo qaatay dowladaha shisheeye in laga matajiyo in ay sixun u fasireen kuwa Nabad diidka ah sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday hadalo leysla dhex marayay Baraha ay Bulshada Isticmaasho kaa soo isaga ku socday.

“Maalmahaan waxaan maqlayay in la leeyahay Wadaadka hala taxriilo oo goormaan Ajnabi noqday, halkeesa ley tarxiilayaa,waa yaab kuwaas waa kuwa Qaranka duminaya ee dowlad diidka ah ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan”

Hoos Ka Dhageyso Codka Sheekh Nuur Baaruud.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media