Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay dhismaha waddada Gaalkacyo iyo Hobyo+Sawirro

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Faramaajo oo maalintii labaad booqanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa maanta dadweyne kula hadlay barxad ku taalla xarunta madaxtooyada maamulka Galmudug ee koofurta magaalada.

Arrimihii uu khudbadiisa ku soo qaaday waxa ka mid ahaa in nabadda la adkeeyo.

Wuxuu ballan qaaday in dawladdiisa ay wax ka qaban doonto dhismayaasha kaabayaasha iyo mashaariicda horumarinta bulshada.

Mr Farmaajo intii uusan khudbadda jeedin wuxuu soo kormeeray goobo ay labada dhinac dagaallo ku dhex mareen, wuxuuna amar ku bixiyey in ciidamo weli goobahaas ku sugnaa laga kaxeeyo.

Isla maanta wuxuu madaxweyne Farmaajo dhagax dhigay dhismaha waddada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo.

Berri ayaa lagu wadaa inuu u ambabaxo gobolka Galgaduud.

Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media