Dhageyso:-Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug oo shir ka furay Dhuusamareeb+Sawirro

Wararka naga soo gaaraya Magaalada dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta halkaasi uu ka furmay shir looga hadlayo amniga deegaanada Galmudug.

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa shirkasi furay,waxana ka qeyb galaya Wasiiro k tirsan Galmudug oo ay ka mid yihiin Wasiirada Amniga,Arrimaha Gudaha iyo Cadaalada Saraakiil Ciidan iyo Xubno kale oo muhiim ah.

Shirka ayaa wx uu socon doonaa mudo Saddex Cisho ah,waxaana looga hadli doonaa sidoo loo xaqiijin lahaa amniga deegaanada Galmudug iyo sidii Gacanta loogu dhigi lahaa deegaannada maqan oo ay Maamulaan Al-Shabaab.

Wariyaha Radio Dalsan ee Gobolka Galgaduud Maryan Cali Mire ayaa ku soo warameysa in shirka uu haatan socdo isla markaana masuuliyinta ka qeyb galeysa ay siweyn iskula gorfeynayaan amniga iyo sida lagu xaqiijin karo.

Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada Kulanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media