Dhageyso:-Golaha Wasiirada Galmudug oo Maanta yeeshay kulan Deg Deg ah+Sawirro

Magaalada Cadaado waxaa Maanta Shir uga qabsoomay Golaha Wasiirada Galmudug ee halkaasi ku sugan kaas oo ay kaga hdleen qodobo dhowr ah,

Kulanka oo uu shir gudoominayay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi looga hadlay Arimaha Amniga, Dhageysiga warbixinada wasaaradaha dowlada iyo sidii Dhaqaale loogu abuuri lahay dowlada,iyo sidoo kale  Heshiiska Dhawaan lagu gaaray magaalada Gaalkacyo,

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey ayaa soo bandhigay Heshiiska Gaalkacyo ay dhawaan ku wada gaareen masuuliyiin ka kala socday labada Maamul.

Kulanka ayaa ahaa mid deg deg ah oo aan horay loosii shaacin.

 

Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media