Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu Maxkamadeynayo Dalka Ireland

Maxkamadda Sare ee dalkaasi waxaa la soo taagay Wiil Somali ah oo 17-jir ah, kaasi oo lagu tilmaamay inuu khatar ku yahay Mujtamaca, gaar ahaan Haweenka.

Wargeyska The Independent ee ka soo baxa dalka Ireland ayaa sheegay in Wiilkaasi aad u isticmaalo Mukhaadaraadka, isla markaana  uu falal kufsi ah kula kacay haween da’ ah.

Garsoore Charles Meenan, ayaa sheegay in Kiiska Eedeysanahaasi dib loo dhegeysan doono Toddobaadka soo socoda.

Dhinaca kale, Wargeyska The Independent ee dalka Ireland waxa uu qoray in Nin Somali oo lagu magacaabo Muxiyadiin C/llaahi lagu soo oogay inuu jabsaday guryo iyo inuu dhac geystay.

Eedeysanaha oo 30-jir ah waxaa kaloo lagu soo oogay inuu furayaal u samaystay si uu ugu adeegsado inuu ku furto Guryaha iyo Sanaadiiqda Boostadda,

Muxiyadiin C/llaahi iyo 3 nin oo kale ayaa waxaa Muuqaalkooda qabtay Kamerooyinka Qarsoon ee CCTV, iyagoo jabsanayey 4 dhismo oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Dablin.

Baarayaasha Dembiyadda ee dalkaasi ayaa u gudbiyey Maxkamadda caddaymo muujinaya Faraha Eedeysanaha oo laga helay goobihii uu dhaca u geystay bishii July 1-dii iyo 3-dii ee sannadkii hore.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media