Muuqaalka Duqeyntii lagu dilay Hoggaamiye Sare oo ka tirsan Xuutiyiinta Yemen oo la soo bandhigay

Telefishinka Al-carabiya ee laga leeyahay Sacuudiga, balse Xaruntiisa Dhexe ku taallo Imaaraadka Craabta ayaa maanta soo bandhigay Muuqaalka Duullaankii Diyaaradaha Isbahaysiga Sacuudiga ee fuliyey duqeyntii lagu dilay Madixii Golaha siyaasadda ee xuutiyiinta, Saalax Cali Al-samad.

Telefishinka ayaa sheegay inay heleen Muuqaalka muujinaya isla daqiiqadii ay Duqeyntaasi dhacday.

Xogta Telefishinka Al-carabiya ayaa lagu sheegay in Hoggaamiyahaasi lagu dilay duqeyn ka dhacday meel ku dhow Deegaanka Al=burayhi ee Koonfurta Gobalka Xudeydah.

Al-carabiya waxay kaloo sheegtay inuu Hoggaamiyahaasi xabsi guri lagu hayey dhowrkii isbuuc ee la so odhaafay, kadib, markii uu khilaaf soo dhex galay isaga iyo HOGGAANKA Sare ee Xuutiyiinta.

Maleshiyadda Kooxda Xuutiyiinta waxay xaqiijiyeen dilka Saalax Cali Al-samad, oo isagu ah Hoggaamiyaha Labaad ee ay Isbahaysiga Sacuudiga ku  raad joogeen.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA:

ara.tv/w6rvc

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media