MD Farmajo: “Waxaan Magacaabayaa Guddi Dabagala Mashaariicdii Aan Dhagax-dhigay”

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha JFS ayaa sheegay in dhawaan uu magacaabayo guddi ka shaqeeya, dabagalka fulinta mashaariicda uu dhawaan ka dhagax dhigay deegaannadii uu socdaalka Nabada kusoo maray.

Madaxweynaha oo shir jaraa`id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyey socdaalkii Nabadda iyo dib u heshiisiinta, waxa uuna sheegay in si dhow uu ula soconayo dhammeystirka mashaariicda uu dhagax dhigay.

MD Farmaajo ayaa mahad ujeediyay shacabka usameeyay soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna sheegay in uu yahay mid ka tarjumeya biseylka ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed dowlad waarta .

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland iyo Galmudug oo uu socdaalku kusoo maray MD Farmaajo kaas oo qaatay muddo 17 Cesho waxa uuna isku maray gobollo badan oo labadaas maamul ka tirsan.

Halkaan Ka Dhagayso Codka MD Farmaajo.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media