Maxkamada Gobolka Mudug oo Go’aan ka gaartay Kufsi loo heystay 4 kamid ah Ciidamada Puntland

Deegaanka Garacad ee gobolka Mudug ayaa in muddo ah waxaa ka taagnaa Kiis Kufsi ah kaas oo ay ku eedaysanayeen 4 askri oo ka tirsanaa ciidamada Badda Puntland kadib markii la sheegay Haweeney Madaxa looga jiro inay Kufsi ugu Gaysteen Garacad.

Shiikh Jaamac Maxamuud Kaytoon Qaaliga Maxkamada Darajadda Koowaad ee degmada Jariiban ee gobolka Mudug ayaa sheegay Askartan in lagu waayey wax dacwad ah sidoo kalana laga dhaariyey Kiiskii lagu soo eedeyey.

Nabadoon Xirsi Baalle waa Awoowaha Gabadha Dhibanaha ah wuxuuna Maxkamada Horteeda ka cadeeyey inuu ku qanacsanyahay Go,aanka Maxkamadu ay ka gaarto Kufsiga Gabadhaas uu awoowaha u yahay.

Hoos ka dhagayso Codadka Maxkamada iyo Ehladda.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media