Maxaabiis Burcadbadeednimo ku eedeysan oo Xaalaad Caafimaad daro ugu geeridooday Xabsiyada Hargeysa

Wararka laga helayo Xabsiyo ku yaalla Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka labaxay Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in xaalad caafimaad darro oo adag ay heysato Maxaabiis ku eedeysan kiisas burcad-badeednimo ah oo ku xiran Xabsiyada Magaaladaasi.

Ehelada Maxaabiistaas oo maanta suxufiyiinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in wiilshadooda oo ay xukuntay Maxakamad ku taalo Dalka Talyaaniga, kuna eedeysaan Burcad-badeednimo hadda ay xaaladadooda Caafimaad liidato lagu hayo xabsi ku yaala Hargeysa.

Tirada Maxaabiistaas oo lagu sheegay 21-ayaa mid kamid ah waxa uu ku geeriyooday Xabsiga,halka qaarkoodna hadda ay la liitaan Cudurka feeraha ama Tiibishada.

Elehada ayaa Hey’adaha Caalamiga iyo Dowlada Federalka ka dalbaday in wiilshadooda loo soo wareejiyo Xabsiyada Muqdisho,sida xukunkii lagu riday ay Muqdisho ugu dhameystaan,maadaama iminka ay ku dhibaatoonayaan Xabsiyada Hargeysa.

Hoos  ka dhageyso Codadka Ehelada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media