Madaxweyne Farmjo “Maamul goboleedyada waxaan Kala Hadli Doonaa Xoojinta Nidaamka Fedaraalka”

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo  oo ku sugan magaalda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa khudbad uu ka jeediyay kulan qada sharaf ahaa oo goordhaw kusoo gabagabowday magaaladaas ayaa sheegay in dhamaan dar-daarankii odayaasha ay dhaqan galin doonaan.

MD Farmaajo ayaa sheegay in uu tagi doono dhamaan maamul goboleedyada socdaalkiisan nabadeenta ahna uu ku xoojin doono Fedaraalka iyo xiriirka wanaagsan ee kala dhexeeya maamul goboleedyada taasina ay horseedi doonto dowladnimo waarta iyo isku duubni shacab oo ay kow ka yihiin Maamul goboleedyda.

Madaxweynha iyo wafdigiisa ayaa si wanaagsan loogu soo dhaweeyay magaalada boosaaso iyada oo xalay ay ku hoydeen isla magaaladaas,waxaana la filayaa in sodaalkiisa uu hlkaas ka sii wadan doono isla markaana maalinta bari ah ee ugu soo horeysa uu gaari doono magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dhanka Kale Magaalada Gaalkacyo Waxaa Gaaray Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geela Xaaf si uu maalinta bari ah uu ugu soo dhaweeyo Madaxweynaha JFS Oo kusoo wajahan.

Halkaan K Dhagyso Khudbadda Madaxweyne Faramaajo

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media