Madaxweynaha Puntland oo ku baaqay in la hakiyo qorshaha dib u-eegista Dastuurka Dalka

Cabduweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay in Dastuurka dalka u degsan ee qabyada ah haatana lagu dhaqmayo loo adeegsado waxyaabo aan dani ugu jirin Shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in dadka qaarkood in ay u adeegsadaan sidii ay doonaan, islamarkaana taasi ay tahay mid dhibaato ku ah dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu Madaxweyne Gaas, hadalkiisa intaas ku daray in Maamulkiisa Puntland iyo dhamaan Maamulada kale ay isla qaateen in la hakiyo dib u-eegista Dastuurka dalka si wadatashi dheer loogu sameeyo.

Hadalkaan ayaa waxa uu Gaas, ka sheegay furitaankii shalay ee kala-fadhigii 40,aad ee Golaha Wakiilada Maamulka Puntland.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Cabduweli Gaas.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media