Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay dagaal beeledyo ka dhacay Gobolka Sool

Cabduweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland oo ku sugan Magaalada Burtinle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday deegaano ka mid ah gobolka Sool.

Laba Maleeshiyo beeleed ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxa ay ku dagaalamayeen deegaanka Gumbur-cagaare e Gobolka Sool kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Madaxweyne Gaas oo Saxaafada la hadly ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in ay Shacabkeeda difaacdo isla markaana dadkii dhibaato ku hayo ay ka qabato.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay wadahadal la sameeyeen waxgaradka ku nool deegaanada lagu dagaalamay isla markaana ay ka wada haleen sidii xiisadaas dagaal loo joojin lahaa.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Gaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media