(LA-YAABKA & SAWIRO): Gabar caanaha naaskeeda ku daawaynayso Aabaheeda oo qaba Kansarka Mindhicirada.

Jill Turner waa hooyo 30-jir ah oo ka timid Degmadda Rugby ee dalka Britain ayaa rajeynaysa inuu aabaheeda ku bogsan doono caanaheeda.

Aabaheeda,Fred Whitelaw oo 64-jir ah ayey caanaheeda subax kasta ugu dartaa Kafeyga, kadib, markii ay akhrisatay in Caanaha Naaska uu taageero ka geysanayo sidii loo dili lahaa Unugyada Kansarka.

Jill Turner waa Hooyo leh ilmo yar oo dhowr bilood jir ah, waxayna caanaha naaskeeda u qeybisaa cunugeeda iyo aabaheeda.

Waxay ku dadaashaa inay naaskeeda si degdeg ah ugu listo aabaheeda, si uu subax kasta ugu darsado Kafeyga.

Jill Turner oo ah Kalkaaliye Maamul u shaqeysa Hay’adda Adeegga Caafimaadka Qaranka “The National Health Services” ee  (NHS) ayaa sheegtay inay doonayso inay aabaheeda u caawiso si kasta o oay awoodo, isla markaana ay taasi ku dhalisay inay isaga siiso caanaha naaskeeda.

Waxay kaloo sheegtay in bishii September ee sannadkii hore in Aabaheeda lagu sameeyey daawayn lagu dilayo Unugyada Kansaraysan (the cancerous cells), laguna guuleysatay, inkastoo aan la wada burburin unugyadaasi.

Cilmi-baarayaasha Jaamacaddaha the University of Gothenburg and Lund University ee dalka Sweden waxay sannadkii 2010-kii sameeyeen Daraasaad u muuqatay in Caanaha naaska dili karaan Unugyada Kansarka, iyagoo aan wax u dhimin Unugyada kale.

Sida laga soo xigtay Wargeyska  Science Daily in caanaha naaska wax looga qaban karo unugyada burooyinka (Tumour cells), balse aysan weli suurtogelin in Aadanaha lagu tijaabiyo.

  

 

 Fred is due for a check with his oncologist in four weeks which will show any changes to his blood levels

Xigasho: Daily Mail

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media