(Gorfeyn):- Mooshinada, Ma Meerto-xiliyeed lagu macaasho, Mise Meel-ka-dhac Milgaha Qaranimo?!!!

Loolanka Awoodaha ee mas’uuliyiinta waa mid Qaangaaray!

Aqriste inta aan faallo kale ku siin, horta waa maxay Mooshin?!!!

Mooshin, waa eray dool ku ah afkeena laakin Soomaaliyoobay, oo waliba hareeyay dhegaha dadka la socda siyaasadda Soomaaliya 17 sano ee la soo dhaafay. Waa Af Ingiriisi dhigaalkiisu yahay ‘Motion’ dhawaaq ahaanse waa sida aan u adeegsano-Mooshin- waxaa lagu fasiri karaa ‘Soojeedin Arrin’ waana mid xalaal ah haddii habka saxda ah loo adeegsado, waayo xildhibaannada ayaa ah difaacayaasha danta dalka iyo dadka, waase hadii aysan dano kale ku daabneyn.

Rajada dadka Soomaaliyeed ay ka qabeen hanqaadka qaranimada taagta daran ayey wiiqeysaa fowdada siiysadeed ee ka dhex aloosan laamaha fulinta/xukuumadda iyo sharci-dejinta/baarlamaanka.

In lagu loolamo Awoodaha, la is ximo, iyadoo sharciga lagu feegaarayo, hadana la iska dhigo qumayanayaal qaran doon ah, Fitno kama ahayn Fagaarayaasha Siyaasadda Soomaaliya 17-sano ee la soo dhaafay. Dib ugu noqo diiwaanka khilaafka meertada lama dhaafaanka ah u noqday xubnaha sare ee dowlad kasta, ka soo billow Xukuumaddii TNG ee lagu dhisay magaalada Carta ee Jamhuuriyadda Jabuuti iyo kuwii ka dambeeyay dhamaantood wey soo mareen. Dhinaca kale waa markii labaad ee khilaaf u dhaxeeya Ra’iisul wasaare iyo gudoomiye-baarlamaan ama haddii aan si kale u dhigno, laamaha Fulinta iyo Sharci-dejinta.

Bartamihii Bishii hore ayuu banaanyaal noqday Mooshin u muuqday mid lagu shiiqinayo mid kale. Xildhibaanno sheegtay inay ka badan yihiin 100 mudane, ayaa 3-cisho kadib markii uu furmay Kal-fadhigii 3-aad ee Golaha shacabka gudbiyay Soojeedin-(Motion)-kalsooni kala noqosho oo ka dhan ah Maxamed Cusmaan Jawaari, gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Eedaha loo jeediyay Jawaari

Xildhibaannada ayaa gudoomiyaha ku eedeyay 5 qodob, oo kala ah:

  1. Ragaadinta geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka.
  2. Inuu si joogto ah u hareer maro ku dhaqanka xeer hoosaadka golaha.
  3. Inuu ku xadgudbo hanaanka dimoqoraadiyadnimo ee baaralamaanka.
  4. Tagrifal Awoodeed, Caburin xilliyada doodaha, musuq iyo eex.
  5. Iyo inuu ku fashilmay dhameystirka qaab-dhismeedka baarlamaanka.

Eedahaasi waxaa lagu mudan karaa kalsooni kala noqosho, waase haddii ay sax yihiin.

Guddiga Golaha Guurtida/Senatka ee xallinta xiisadda

Saddex maalmood kadib markii xiisadda cirka isku shreertay ayaa 17, March, 2018, waxaa arrinta isku dayay in wadaxaajood lagu dhameeyo, golaha Aqalka sare/Guurtida. Guddiga joogtada ee golahaasi oo shir yeeshay ayaa soojeediyay in la xaliyo khilaafka, iyadoo loo marayo waanwaan.   Waxaa la magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood oo uu Guddoomiye u yahay Guddoomiyaha Aqalka Sare/Guurtida Cabdi Xaashi Cabdulaahi, kuwaasoo ka qeyb qaadan doona xalinta khilaafka.

Kadib 12 maalin  oo ay shaqeynayeen ayaan lagu caano maalin dadaalka xubnahaasi. 29, Maarso, 2018 ayaa xubnahaasi la kala diray, lama shaacin sababta dhiciseysay howshii ay wadeen. Waxaase soo baxday in xattaa qaarkood ay ku milmeen xiisadda.

Kulamada golaha shacabka ma qabsoomin

Tan iyo markii ay xaaladdu ka sii dartay oo bogga hore iyo cinwaannada kowaad ee warbaahinta ay noqdeen xildhibaanno is dhaliilaya ama xattaa is naqdinaya ayaa waxaa hakad galay kulamadii golaha shacabka. Fasax kuma jiraan balse waxaa seeto dheereyay cida xaqa u leh inay gudoomiso, iyadoo ay u ekaatay in khilaafka uu u dhaxeeyo gudoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa 1-aad. Dhor mar ayaa mar ayaa la iclaamiyay fadhiga golaha laakin lama fulin. Waxaa halkaas gaabis ku yimid shaqadii ugu muhiimsaneyd hay’adaha wadanka ka jira maadaama fulintii iyo sharci-dejintii aysan shaqeyneyn.

Labo jeer ayaa la isku dayay in la qabto fadhiyo kala ajende ah oo kala guddoon ah laakin xaruntu mid tahay, taasi waxa ay walwal ku abuurtay samajaclayaasha Soomaaliya, oo aan cabsi ka qabin in la is feero ama gacmaha la isula tago balse ka baqayay in xaaladdu gaarto in hub la isu adeegsado.

Dhexdhexaadinta Madaxweynaha

Sahriif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamud, madaxweyneyaal hore ayaa muujiyay in wadanka lex jeclo ka heyso kadib markii ay qeylo dhaan ka soo saareen heerka khilaafka kana digeen faragelin shisheeye, waxa ayna madaxweyne Farmaajo ku tirtirsiiyeen inuu qaato doorkiisa nabad-doonimo hadii uu ka baaqsadana talada ay gacanta u galeyso dad aan Soomaali ahayn. Saacado kadib warkaasi oo lagu baahiyay warbaahinta iyo baraha xiriirka bulshada ayuu madaxweynaha soo saaray codsiga in la baajiyo kulan fowdo laga filanayay oo lagu madlanaa. Gudoomiye Jawaari ayaa si qayaxan u aqbalay dalabkaasi isaga oo muujiyay inuu ku qanacsan yahay laakin saddex maalin kadib xaalka ayaa noqday ‘ka dar oo dibi dhal’ Xoghayihii baarlaamaanka ayuu gudoomiye ku-xigeenka 1 aad ee golaha xilka ka xayuubiyay taasoo loo arkay daandaansi ku socday Jawaari maadaama lagu eedeyay inuu ku milmay xiisadda. Khilaafka ayaa cirka isku shareeray, kaddib markii Ciidamo ay la wareegeen Xarunta Golaha shacabka, waxaana shir jaraa’id uu qabtay Guddoomiye Jawaari uu ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha in Ciidamada la wareegay xarunta uu isaga amray, wixii hadda ka dambeeyana mas’uuliyadeeda qaadi doono, Xukuumadda wali kama hadlin eedaha loo jeediyay.

Dareenka Beesha Caalamka

War saxaafadeed 17, Maarso, 2018, ay si wadajir ah soo saareen Qaramada Midoobay,midowga Yurub urur goboleedka IGAD Ethiopia, Italy, Sweden, iyo Britain ayaa waxa ay sheegeen in ay si wayn uga walaacsan yihiin xaaladda siyaasadeed iyo amaan ee Muqdisho taasi oo halis galin karta hormaradii laga sameeyay dhanka siyaasada, dhaqaalaha iyo ammaanka islamarkana dhufaaneyso sumcadda Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa waxa ay ugu baaqeen hogaamiyayaasha Soomaalida in ay xushmeeyaan sharciga iyo qodobada dastuurka faderaalka marka ay timaado in ay xaliyaan farqi walba oo u dhaxeeya.

Waxaa intaas dheeraa in wakiilka midowga Afrika ee Somaliya ahna madaxa AMISOM, Danjire Madera, uu kulamo la qaatay dhinacy is hayo laakin uu ku fashilmay. Arbacdii jawaari ayaa lagu eedayay inuu ciidamo geystay xarunta golaha shacabka walow uu iska fogeeyay.

Sharci ahaan, sidee ayuu xilka ku weynayaa gudoomiyaha?

Sida ku cad Qodobka 65aad ee dastuurka, faqrada 4aad, guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa waxaa codayn qarsoodi ah ku doorta aqlabiyadda tirada guud ee xubnaha golaha shacabka ee federaalka ah, xilkana kaga qaada codbixinta saddex dalool laba xubnaha golaha shacabka federaalka ah.

Taas waxa ay ka dhigantahay in ay mooshinka u codeeyaan 184 xildhibaan, si jawaari u dhaco, ama in 92 xildhibaan ka codeeyaan si uu u badbaado.

Gunaanad

Marka laga qiyaas qaato sida ay Arbacadi wax u dhaceen waxa ay u egtahay in xaalku faraha ka baxay oo hubaal la’aan dhinac kasta ah uu wadanka galay. Wali dhinacna ma guuleysan waxaana jahawareer la geliyay rajada dadka ay ka qabeen dowladnimada oo coogeysata. Mooshinnada ayey qolyaha qaar u arkaan in ay ku macaashaan xag maaliyad iyo mansab intaba, waxaa deeqsi noqda kuwa damacoodu yahay inay xalaal iyo xaaraamba iyaga ay xoogeystaan, taariikhda ayaase qoreysa kuwa tacadiga joogteeya iyo taagerayaasha danta qaran.

Culamada suuban, cuqaasha hanuunsan iyo aqoonyahanka aan la iibsan akrin, haddiiba Soomaali laga helayo, ayey waajib ku tahay inay arrintan ku baxaan, si loo badbaadiyo Milgaha Qaranimo oo aan shaki ku jirin in meel looga dhacayo marka talada loo celiyo Midigta kuwa aan Soomaalida ahayn ee saldhigoodu yahay Xeyndaabka Xalane.

Xildhibaan Danta Dalka Ha ku Iibsan Dollar ama Dantaada gaarka ah, oo yeelo dareen qaranimo!

W/Q. Abubakar Mohamed Ali.

Dhaliil ama toosin Aragtidaada igula wadaag: [email protected]

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media