Dhagayso: Generaal Mukhtaar:- Booliska Waa Howl Ubaahan Dhalinyaro Aqoonyahano Ah

Generaal Mukhtaar taliya ku xigeenka booliska ahna Kusimaha Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dhalinyaradda kusoo biiray Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee ah Aqoonyahanada in ay muujiyaan dhabar adeeg iyo karti haldheeri ah taas oo ku aadan shaqada ay uhayaan qaranka .

Taliyaha oo la dardaarmaya dhalinyarada booliska kusoo biirtay ayaa waxa uu sheegay in booliska dhaqaala badan laga guran balse sharaf wayn uu ka dhaxlayo ruuxa ushaqeenaya Qaranka iyo hormarka bulshada.

“ Waxaa Doorateen ka shaqaynta qaranka dhamaan rag iyo dumar karti baan ku xulanay guulaha aan hiigsanayno waan uwada dabaal dagi doonaa insha allaah “

Booliska oo aynu ognahay in uu hormuud uu uyahay hormarka dalka ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa kusoo biiray ciidamada Booliska Soomaaliyeed Dhalinyaro Aqoonyano ah oo ka qalin jabiyay Jaamacaddaha Magaalada Muqdisho.

 

Hlkaan Ka Dhagayso Codka Kusimaha Booliska.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media