FAALLO: Maxay Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre uga hadli la’ yihiin Khilaafkii Khaliijka iyo safarkii ay ku kala tageen Sacuudiga iyo Xarunta QM?

Madaxweynaha DFS iyo RW Xukuumadda Federalka waxay Galabnimadii Khamiista ee la soo dhaafay dib ugu soo laabteen Muqdisho, kadib, markii ay booqashooyin Hawleed ku soo kala bixiyeen Sacuudiga iyo Xarunta QM ee magaalladda New York.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu booqasho dhowr maalmood ku tegay dalka Sacuudiga, kadib, markii uu Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis u soo diray Diyaarad Khaas ah.

Madaxweynaha waxa uu Kulamo la soo qaatay Boqor Salmaan iyo Dhaxal-sugaha dalkaasi, ahna Wasiirka Difaaca, Maxamed Salmaan.

Warbaahinta dalkaasi ayaa baahisay inay Madaxda labada Waddan ka wada hadleen xoojinta xiriirkooda iyo Xaalladaha ka taagan Mandiqadda.

Diplomaasiyiinta ayaa rumeysan in Kulamadaasi diirada lagu saaray Khilaafka Khaliijka, maadaama  hadafka Safarka lagu casuumay Madaxweyne Farmaajo ahaa mid ku sidkan Khilaafkaasi.

Waa Oraah Diplomaasiyadeed inaan Saxaafadda lala wadaagin Nuxurka Wada-xaajoodyadad Xasaasiga ee Madaxda dalalka Caalamka, laakiinse Madaxweyne Farmaajo ma ahayn inuu ka gaabsado inuu Saxaafadda iyo  Golayaasha Dowladda uga warbixiyo Natiijada ka soo baxday Safarkii iyo Kulamadii uu la soo yeeshay Madaxda Sacuudiga.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay jiraan Qoddobo xasaasi ah oo ay Madaxda dalkaasi kala soo hadleen Madaxweyne Farmaajo, gaar ahaan kuwo ku xiriirsan Khilaafka Khaliijka iyo Labada Go’aan ee kala kaanka ah ee ay DFS iyo Maamul-gobaleedyada ka qaateen Khilaafkaasi.

Ambabaxii Madaxweyne Farmaajo waxay ku soo beegantay iyadoo ay inta badan Maamul-gobaleedyada ganafka ku dhufteen Go’aankii DFS ee Dhexdhexaadnimadda, taasina waxay keentay inuu Khilaafkii Khaliijka saamayn toos ah ku yeesho Is-jiidjiidka soo kala dhex galay Maamul-gobaleedyadda, gaar ahaan Galmudug iyo K/Galbeed.

Kacdoon Siyaasadeed iyo Fowdo Maamul ayaana ka socda labadaasi Gobal, iyadoo Madaxdii Galmudug u kala jabeen laba dhinac, kuwaasi oo kala sheegtay inay xilkii ka qaadeen Madaxweyne Xaaf iyo Guddoomiyaha Barlamaanka, Cali Gcaal Casir.

Dhinaca kale, RW Kheyre ayaa ka qeyb galay Shirweynihii 72-aad ee Golaha Guud ee QM, wuxuuna ka jeediyey Khudbad uu arrimo badan kaga hadlay, balse waxa uu ka gaabsaday inuu Madasha Shirkaasi iyo Kulamadii uu la yeeshay Jaalliyadda Soomaalida ku nool Maraykanka kaga hadlo Khilaafka Khaliijka iyo saamaynta ay ku reebtay Arrimaha Gudaha ee Somalia, gaar ahaan Maamul-gobaleedyada isbahaysiga la noqday Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Diplomaasiyiinta ayaa rumeysan inuu RW Kheyre ka taxadiray Xasaasiyadda ka dhalan karra haddii uu afka ku dhufto go’aankii DFS ee Dhexdhexaadnimadda iyo Mowqifkii ay ku mideysan yihiin inta badan Maamul-gobaleedyadda ee ay kaga soo horjeesteen Go’aankii DFS.

Dad badan ayaa rumeysan haddii uu RW Kheyre ka hadli lahaa arrintaasi inuu Jaalliyadda Soomaalida kala kulmi lahaa Mudaaharaadyo iyo Dhagax-tuur.

Inkastoo ay Waajib Dastuuri tahay inay Muwaadiniinta wax badan ka ogaadaan Xaalladaha Tagaan, haddana maxaa lagu micneyn karaa sababaha ay Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre uga hadli la’ yihiin natiijadii ka soo baxday Socdaalkooda ? Mise lagu fasiri karaa xaalladaasi inuu Afkii baa Juuqdii gabay maadaama Khilaafkii Khaliijka saamayn ku yeeshay xaalladda guud ee Somalia.

Hoos Ka Dhageyso Faallada oo uu Akhrinayo Wariye Abuukar Dayax

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media